Wasiir Saadaad Oo Ka Qaybgalay Abaalmarinta Bahda Caafimadka

 

Muqdisho 11 Oct 2024; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dub-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Sanadlaha ee Abaalmarinta Bahda Caafimaadka( SHA) oo lagu abaalmariyo Dhaqaatiirta iyo Xarumaha Caafimaad ee adeegga u haya Bulshada Soomaaliyeed.

 

Wasiir Saadaad ayaa bogaadiyay qabanqaabiyaasha Munaasabadda, isagoo u mahadceliyay dhaqaatiirta la abaalmariyay.

 

Munaasabadda ayaa waxaa kaloo kasoo qaybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.