Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka PBF

Muqdisho 07 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Guddoomiyay Kulan lagu Ansixiyay laba Mashruuc oo dalka muhiim u ah.

 

Wasiir Cali Xoosh oo kalmad kooban ka jeediyay Kulanka ayaa sheegay ahmiyadda ay Mashaariicdaan u leeyihiin dalka, gaar ahaan deegannada laga xoreeyay khawaarijta, isagoo arrintaasi ka hadlaya ayuu yiri” waxaan rabaa in aan isla qaadano oo aan ansixinno laba mashruuc, mid waxaa laga taaba galinayaa deegaannada laga xoreeyey khawaarijta, gaar ahaan Hirshabele iyo Galmudug, kaas oo kaalmeynaya maamulada deegaanka, amniga iyo cadaaladda. Mashruuca kale waxa uu diiradda saarayaa Culimada doorka ay ka qaadanayaan, ka hortagga fikirka xagjirka, iyadoo xooga la saarayo wacyigalinta bulshada”

 

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay Ku Xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ahna Isu Duwaha Howlaha Gargaarka, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Diinta & Awqaafta, Cadaaladda iyo Amniga ee heer federaal, Wasaaradaha heer dowlad goboleed iyo Saaxibada Caalamiga ah ee Sanduuqa Nabad dhiska PBF.