Muqdisho 05 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Osman Abdulahi. Kulanka ayaa diiradda lagu saarey arrimaha la xiriira dardargalinta dedaallada Dowladda ee Nabad Dhiska, Dib-u-heshiisiinta iyo Xasilinta.