Muqdisho 28 Sep 2024; Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaash Qaranka ayaa martigelisay Kulanka Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta iyada oo ay guddoomisay Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa guddoomiyaha hey’adda.
Kulanka billaha ah ee looga arrinsaday Xiriirka Arrimaha Xasilinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha guddiga oo ah Agaasimeyaasha waaxyaha xiriirka ee Wasaaradda iyo Hey’adda Federaalka ah u qaabilsan Xasillinta.
Ugu horreyn, Guddoomiya guddiga mudane Cabdicasiis Gurbiye ayaa ka mahadcelisay martigelinta kulanka ee hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka isaga oo ka hadlay hadafla loo aasaasay guddiga iyo howlaha ay dowladda u hayaan.
Inta uu kulanku socday waxaa la sameeyey bandhigyo kala duwan oo la xieiira shaqada hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, howlaha guddiga ee 8-dii bil ee lasoo dhaafay iyo arrimo kale.
Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda Marwo Safiya ayaa bogaadiyay howlaha Guddiga iyada oo kula dardaarantay in la dardargaliyo shaqada si loogu adeego Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha Xasilinta.