Muqdisho 23 Sep 2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay waheliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa kulan la qaatay ku simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa ergayga gaarka ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Xasilinta Xildhinaab Cumar Xaashi ayaa looga hadlay dedaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Xasilinta.