Muqdisho 22 Sep 2024; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Ashkir oo ay wehliso Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa daahfuray Kulanka wadatashiga dib u eegista iyo ansaxinta Istaraatiijiyadda Qaran ee ilaalinta, taakuleynta, xal u helidda Qaxootiga, Barakacayaasha, iyo dadka soo guryo noqday.
Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliiyiin iyo wakiillo ka socday Wasaaradaha XFS, iyo Hay’adaha Caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray ahmiyada gaar ah oo ay leedahay Xal u helidda Caqabadaha iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan Qaxootiga iyo dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Dalka.