Muqdisho 18 Sep 2024; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadad Caliyoow ayaa furay kulanka saddex bilaha aha ee koox-howleedka Qaran ee Dad-dhigidda iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.
koox-howleedka qaran ee Dad-dhigidda iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah ayaa ka kooban Hay’adaha qeybta ka ah dad-dhigista ee heer Federaal iyo dowlad goboleed oo kala ah; Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaaladda, Diinta iyo Awqaafta, Arrimaha Dibadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta, hey’adda istaatistikada iyo Wasaaraddaha Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Kulankaan ayaa waxaa loogu madlan yahay ka dhaqangelinta barnaamijka dad-dhigidda danabeysan ee degmooyinka wajiga hore bilowga bisha October 2024.