Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha XFS Oo Ka Qaybgalay Maalinta Aqoonsiga Adduunka

 

Muqdisho 16 Sep 2024; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa ka qaybgalay Xuska Munaasabadda Maalinta Caalmiga ah ee Aqoonsiga Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

 

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda NIRA ayaa sidoo kale lagu xusay sanad guurada-koowaad ee daahfurka Nidaamka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya (SNID), iyada oo si qoto-dheer loo falanqeeyay horumarkii lagu tallaabsaday iyo qorshayaasha ku baahinta nidaamka guud ahaan dalka oo dhan.

 

Isaga oo Wasiir Saadaad Caliyooway khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda ayuu ku bogaadiyay waxqabadkii ay NIRA xaqiijisay tan iyo markii la daahfuray Nidaamka Aqoonsiga Qaranka 16kii Sebtembar 2023.

 

Sidoo kale, Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay horumarka Hay’addu ku tallaabsatay, oo ay ku jiraan xarumaha diiwaangelinta ee laga hirgaliyay Gobolka Benaadir, isagoo shaaciyay in xarumo cusub laga furi doono dhammaan Dowlad Goboleedyada ka hor dhammaadka sanadka.