Muqdisho 11 Sep 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay maxada iyo kuxigeenka xafiiska hey’adda WFP ee Soomaaliya.
Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa Inta uu socday waxaa laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Howlaha Banii’aadnimada iyo sida gargaar loo gaarsiinayo deegaannada dhowaan la xoreeyey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ayaa bogaadiyey howlaha WFP ay ka waddo guud ahaan Soomaaliya isaga oo adkeeyey in la hubiyo sidii gargaarka u heli lahaayeen bulshada kuwooda ugu mudan.