Muqdisho 08 Sep 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa soo xiray Aqoon Isweedaarsi la xiriira Gurmadka oo ay wada qabteen Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Munaasabadda lagu soo xiray Aqoon Isweedaarsiga oo ka dhacday Xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Macallin.
Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa kulan doceed la yeeshay wafdi uu hoggaaminaayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga.