Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Daahfurtay Mashruuca Dowlad Kaab

 

Muqdisho 27 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ku daahfuray caasimadda Muqdisho mashruuca Dowlad-Kaab.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa ka hadlay Guulihii mashruucii dhammaaday ee JPLG  isaga oo sheegay in muddada uu socday 15  sano ah laga hirgeliyey dhammaan dowlad goboleedyada iyo maamullada dalka sida; Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland halka gobolka Banaadirna uu wax badan ka helay ayna ka faa’ideysteen 46 degmo oo dalka ah, waxaa kale oo uu qeyb ka ahaa qorshayaasha Magaalooyinka iyo kobcinta dakhliga degmooyinka, dhismaha goobaha lagu qabto adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo faya dhawrka., kaabayaasha degmooyinka sida; Wadooyinka, Cisbitaallada, Iskuullada, ceelasha iwm.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Xoosh waxaa uu ka hadlay faa’idooyinka mashruucaan cusub ee Dowlad kaab sida;

 

(1). In saldhig looga dhigo, oo lagu dul shaqeeyo Mashruucii JPLG sida dhameystirka mashaariicdii socotay ee dowladaha hoose.

(2). Dowlad-Kaab waxaa la socda mashaariic cusub oo la fulin doono 5-ta sano ee soo socota.

(3), Dowlad-Kaab inta uu socdo waxaa la ballaarin doonaa degmooyinka iyada oo la tayeyn doona howlaha.

(4). Dowlad Federaalka ah, waxaa ka go’an in Mashruucan Muhiimka ah loo qareemmo, oo dhaqaale loo raadiyo.

(5). Mashruucan Dowlad-Kaab waxaa uu kabi doobaa dhismaha Mashaariic dhismo ee Dowlada Hoose ee soo socda.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Hirshabelle Mudane Cabdi Daahir Guure ( Karoore) oo ka hadlay Kulanka Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose ee Dowlad Kaab ayaa ka hadlay ahmiyadda Mashruucaan.

Wasiir Karoore ayaa hoosta ka xarriiqay in Mashruucaan uu ka caawin doono Dowlad Goboleedyada arrimaha maamul daadajinta dalka.

 

Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Oogle oo ka hadlay Kulanka Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose ee Dowlad Kaab ayaa sheegay in Mashruucaan laga filaayo in uu wax badan ka qabto arrimaha Dowladaha Hoose ee dalka.

Sidoo kale, Wasiir Oogle ayaa kulanka uga mahadecliyay Dowladaha taageeray Mashruucaan.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdullaahi Xaaji Xasan oo khudbad ka jeediyay Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose ee Dowlad Kaab ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS dedaallada ay galinayso arrimaha Dowlad Dhiska dalka, gaar ahaan dhanka xoojinta iyo dhismaha Golayaasha Dagmooyinka.

 

Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Baanadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo ka qaybgalay Daahfurka Mashruuca Dowladaha Hoose ee Dowlad Kaab ayaa bogaadiyay Mashuuca la daahfuray.

 

Ugu dambayn, kulanka Daahfurka ayaa waxaa ka horreeyay Kulanka Farsamo ee qorshaynta Mashruuca Dowlad Kaab oo kaas oo dhacay 27 Aug 2024; sidoo kale, Kulanka waxaa kasoo qaybgalay Madax ka socota DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Saaxibada Caalamiga ee taageera Soomaaliya.