Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Madasha Agaasimayaasha Guud

 

Muqdisho 21 Aug 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiinta ayaa ku qabatay Magalada Muqdisho shirka agaasimayaasha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ka iyo Kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxaana shir guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macalin Xasan.

 

Shirkan oo socon doono mudo laba maalin ayaa lagu soo bandhigayaa qorshaha istaraatijiyada iyo kormeerka Hirgilinta hanaanka dhab u heshiisinta qaran ee shanta sano ee socota iyada op sidoo kale dowlad goboleedyada ay soo bandhigi doonaan howlaha dib u heshiisinta Ee hortabinta u leh.