Muqdisho 20 Aug 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xasan ayaa furay kulanka Khubarada ee Hagaha Khariiradeynta khilaafyada Dalka. Kulanka oo socday muddo seddex maalin ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay khubarro ka socoto Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada Raydka ah iyadoo lagu lafa-gurayo khariiradeynta khilaafyada Dalka.