Muqdisho 14 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ayaa warbixin la xiriirta shaqada Ka dhagaystay Agaasinka Adeegyada Dad Dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga. Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyay howlaha Agaasinka ayaa faray in la dardargaliyo shaqooyinka la xiriira adeegyada dad dhigidda iyo tirakoobka xaaladaha Madaniga.