Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Dalka Finland

 

Muqdisho 13 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu horkacayo Danjire ku xigeenka Finland ee Soomaaliya Ms. Nelli Mikkola.

 

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; Doorashooyinka, Xasillinta, Dowladaha Hoose iyo Arrimo kale.