Muqdisho 11 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Danjiraha dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis iyada oo laga hadlay ajendeyaal ay doorashada ugu horreyso. Inta uu kulanku socday, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa adkeeyey sida ay dowladda uga go’antahay hannaan doorasho oo ay dadku rabaan.