Muqdisho 05 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Waaaaradda iyada oo laga hadlay waxqabadka guud, dardargelinta iyo daadejinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.
Arrimaha uu Wasiir Cali Xoosh adkeeyay inta uu kulanku socday waxaa ka mid ah; Dib u milicsiga waxqabadkii 2-badii sano ee tagtay, ka shaqeynta gaarista himilooyinka Wasaaradda, kor u qaadista habka shaqo, daadejinta howlaha, isla xisaabtanka iyo arrimo kale.