Muqdisho 03 Aug 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay khubarrada Dhanka Sharciga iyo Doorashooyinka ee Wasaaradda. Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay arrimaha diyaarinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.