Riyaadh 01 Aug 2024; Wafdi kasocda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo uu hugaaminaayo Wasiir ku xigeeenka wasaaradda Mudane Abdihakim Ashkir ayaa maalmahan socdaal shaqo u joogay magaalada Riyadh ee dalka boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Booqashadaan ayay wafdiga ku tageen goobo badan oo muhiim sida Xarunta dhexe ee Abshir oo laga maareeyo dhamaan kaararka qaranka ID-yada, iyo adeegyada ku xiran.
Maalmaha soo socda ayuu sidoo kale wafdiga booqan doonaa meelo kaloo muhiim ah sida xarunta dhexe ee Wakaaladda dad dhigista ee dalka Sucuudiga.
Wafdiga ayaa la kulmi doona maalmaha uu ku jiro booqashadiis masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka boqortooyada Sucuudiga.
Kulamadaan ayaa waxaa lagu gorfayn doonaa xoojinta iskaashiga labada da dhinac gaar ahaan dhinaca dad-dhigista iyo kaararka aqoonsiga dadwaynaha.