Wasiir Cali Xoosh Oo Hortagay Golaha Aqalka Sare

 

 

Muqdisho 29 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali (xoosh) ayaa hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ayaa ka warbixiyey arrimo ay ka mid yihiin; Waxqabadka iyo Qorsheyaasha Wasaaradda, Federaalaynta, Xasillinta iyo Dib u heshiisiinta.

 

Guddoonka iyo senatarada Golaha Aqalka sare ayaa sidoo kale su’aalo ka weydiiyey Wasiirka mas’uuliyadaha Wasaaradda iyo waxkaqabashada qorshayaasha iyo hortabinnada Wasaaradda.