Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Qabatay Madasha Arrimaha Xasilinta

 

Muqdisho 27-28; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFs Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Madasha Arrimaha Xasilinta Dalka oo magaalada ka furmay 27 Jul 2024; iyadoo ay xaadir ka ahaayeen Wasaaradaha Federaalka iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada Dalka.

 

Sidoo kale maalinka labaad 28 Jul oo uu kulanka ah mid heer Wasiirro ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiiirrada Heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriiirto Arrimaha Xasilinta iyo kuwa heer Dowlad Goboleed, iyada uu kulankaas Guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac.

 

Waxaa sidoo kale kulanka heerka Wasiirrada ah khudbado ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh, Qaar ka mid ah madaxda heer Federaal iyo kuwa heer Dowlad Goboleed ee ka qaybgalay kulanka Madasha kuwaas oo soo bandhigay guulaha laga gaaray dedaallada Arrimaha Xasilinta Dalka.