Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Wakiilka UNHCR Ee Soomaaliya

 

Muqdisho 25 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay wakiilka hey’adda UNHCR ee Soomaaliya mudane Charles Mballa.

 

Kulankan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dadaallada xalka waara loogu helayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga.