Muqdisho 24 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa tacsi ugu tagay, qoyska iyo xerta Allaha u naxariistee Sheikh Cusmaan Sheikh Cumar Sheikh Daa’uud (Sheikh Cusmaan Xiddig) isaga oo sidoo kale saxiixay buugga tacsida. Mudane Wasiir Xoosh ayaa Ilaahey uga baryay marxuumka inuu jannaadiisa ka waraabiyo, innagana sabar iyo iimaan naga siiyo.