Wasiir Cali Xoosh Oo warbixin Siiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka

 

Muqdisho 22 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa hortagay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya isaga oo warbixin ka siiyey iskudhacyada beelaha ku dhexmaraya deegaannada qaar ee dalka, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka iyo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada ay ka wada shaqeeyaan daminta colaadaha iyo guud ahaan xal u heliddda khilaafaadka jira.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay dagaal beeleedyada iyo sida ay caqabad ugu yihiin qaran dhiska, isaga oo intaa raaciyey in aan loo baahneyn, waxaa uuna Baarlamaanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ugu baaqay in qeyb ka qaataan raadinta nabadda iyo xasilooni waarta oo dadka dhexdooda ah.