Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulan Heer Sare Oo Looga Hadlay Doorashooyinka

 

Muqdisho 21 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa galay kulan heer Wasiir ah oo xoogga lagu saaray shuruucda doorashooyinka.

 

Inta uu kulanka socday waxaa si gaar ah looga hadlay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.