Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Daahfurka Rukhsadda Adeegga Korontada

 

Muqdisho 20 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgalay munaasabadda Daahfurka bixinta rukhsadda adeegga korontada.

 

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Madax kala duwan oo ay ku jiraan Raysal Wasaare ku xigeemka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Ganacsatada iyo masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.