Muqdisho 15 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ayaa Muqdisho uga qeybgalay maalinta Dimuqraadiyadda iyo Midnimada Qaran ee dalka Turkiga. Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh iyo mas’uuliyiinta kale ayaa uga hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga maalinta qaran.