Muqdisho 15 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa ka qeybgalay Daahfurka warbixinta maamulka maaliyadda 2013-2023 Warbixinta oo ay gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee Federaalka ah, goobjoogna ka ahaayeen mas’uuliyiinta Dowladda iyo saxiibada beesha caalamka ayaa lagu soo bandhigay guulaha maaliyadeed ee uu dalku gaaray 10-kii sano ee la soo dhaafay.