Waaxda Xiriirka iyo Lafalgalka Dadwaynaha Oo Sagootin U Sameysay La-taliyaha Sare ee Safaaradda UK

 

Muqdisho 11 Jul 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay waaxda Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda

 

xaflad sagootis ah iyo xog isweydaarsi ugu sameeyeen Jim Haggerty oo ah lataliye sare ee Xasillinta oo ka tirsan safaaradda Ingiriiska.

 

Agaasimaha Waaxda Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Wasaaradda mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo munaasabadda ka hadlay ayaa Mr. Jim Haggerty iyo ERI uga mahadceliyay sida ay u taageereen waaxda isaga oo intaa raaciyey in la xusuusan doono, una rajeeyay mustaqbalka wanaagsan.

 

Dhankiisa, Mr. Jim Haggerty ayaa ka mahadceliyey munaasabadda qiimaha badan ee loo sameeyey isaga oo hoosta ka xariiqay in waaxda Xiriirka ee ay gacansiiyeen maanta tahay mid xirfad iyo awoodeedu sareyso, ayna taasi dhiirigelineyso in waaxyo kale tusaale u noqon karaan sida loo gacanqabto.