Wasiir Cali Xoosh Oo La Kulmay Hoggaanka Beesha Eelaay

 

Muqdisho 09 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay hoggaanka bulshada iyo siyaasiyiinta beesha Eelaay.

 

Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa looga hadlay Dib u heshiisiinta, daga beeleedyada socda iyo Kahortagga colaadaha.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Xildhibaan Cali Xoosh iyo dhammaan hoggaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ah, ayaa adkeeyay sida ay uga go’antahay dadaallada Dib u heshiisiinta ee Koonfur Galbeed.