Muqdisho 08 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay ku simaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Inta uu kulanku socday arrimaha diiradda la saaray waxaa ugu muhiimsanaa; Xasillinta, Dib u heshiisiinta iyo Doorashooyinka.