Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Abaalmarinta Xus iyo Xaaqo

 

Muqdisho 5 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgalay habeenka abaalmarinta tartanka xus iyo xaaqo.

 

Munaasabaddaan waxaa shahaadooyin iyo abaalmarino lacageed lagu guddoon siiyay degmooyinka kaalmaha hore ka galay ololahaan.

 

Degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa kaalinta 1-aad ka gashay tartankaan, waxaana kaalimaha 2-aad iyo 3-aad kala galay degmooyinka Kaxda iyo Baydhabo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ololaha Xus Oo Xaaqo uu muhiim yahay, ayna tahay in la ballaariyo.