Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka

 

Muqdisho 03 Jul 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Maareeyaha hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Maxamed oo ay ka wada hadleen dadaallada Qaran ee lagu wajahayo caqabadaha heysta barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliyeed.