Muqdisho 02 Jul 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Agaasimaha hey’adda USAID ee Soomaaliya Ms. Sheri-Nouane Duncan Jones. Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; Xasillinta, Dib u heshiisiinta, dadaallada lagu dhisaayo dowladaha hoose iyo arrimo kale.