Muqdisho 30 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.
Guddiga ayaa wada dardargalinta qabanqaabada Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo oo sanadkaan la qorsheeyay in bandhigyadiisu ay nuucyo badnaadaan, kana dhacaan goobo badan oo caasimadda, gobollada iyo dibadda ah.
Kulanka Guddiga ayaa waxaa kasoo qaybgalay Xubnaha Wasiirrada ah ee Guddiga ka tirsan, Saraakiishada Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.