Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Hoggaamiyaha SSC Khaatumo

 

Muqdisho 30 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye.

 

Inta uu kulanku socday arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ugu muhiimsanaa sida ay Wasaaraddu uga caawin karto SSC-Khaatumo howlaha Dib u heshiisiinta, maamul baahinta iyo horumarrada kale ee bulsho.