Muqdisho 29 Jun 2024; Madaxweynaha JFS mudane Xasan Shiikh Maxamed iyo mas’uuliyiin uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa caawa ka qeybgalay xuska munaasabadda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan taasi oo ka dhacay Muqdisho.
Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta madasha ka hadlay ayaa xusay qiimaha uu umadda Soomaaliyeed ugu fadhiyo Madaxweyne Aadan Cadde isaga oo intaa raaciyay in sida uu u noolaa ay ka marqaati ka ceyso hufnaantiisa.