Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda

 

Muqdisho 27 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa caawa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira diyaargarowga Munaasabadda qaran ee 1-da luulyo oo nagu soo wajahan.

 

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay dhammaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo ee ku howlan ka shaqaynta Todobaadka Xorriyadda, Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.