Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Billaha Ee Guddi Howleedka Farsamo Ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

 

Muqdisho 27 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta guddoomiyay Kulanka Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

 

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Howlwadeennada Xiriirka ee Wasaaradaha, Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Bahwadaagta Caalamiga oo ay shaqadoodu la xiriirto Arrimaha Xasilinta ayaa lagu bandhigay howlaha guddiga, iyada oo la falanqeeyay qaabka wadashaqaynta bahwadaagta iyo Dowladda Federaalka ee la xiriira arrimaha Xasilinta.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay guddiga isaga oo yiri “Guddigan howlihiisa aad ayaan ula socdaa, waa markii 3-aad oo aan guddoomiyo, waa guddi baahi weyn loo qabay, oo muhiim u ah guud ahaan heerarka dowladda. Baahinta, iskudubbaridka iyo mideynta farriimaha Xasillinta waa hortabinnada qaranka, taasi oo ay guddigaan si fiican u qabtaan”.

 

“Waxaan aad ugu farxaa marka aan arko in guddiga noocaan ah uu jiro oo xiriir dhow iyo wada shaqeyna la leh xafiisyada xiriirka dowlad goboleedyada, diyaarna u ah gudbinta farriimaha dowladda, waana in lasoo xoojiyo dadaallada”. ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey.