Wasiir Cali Xoosh Oo La Kulmay Madaxwaynaha Jubbaland

 

Kismaayo 22 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo wafdigiisa oo haatan booqasho shaqo kujooga magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyada oo laga hadlay xaaladda maamulka iyo arrimo kale.