Guddiga Maalmaha Xorriyadda Oo Kormeeray Goobaha Lagu Qaban Doono Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda

 

Muqdisho 19 Jun 2024; Guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda 26 Juun iyo 1-da Luulyo oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa galabta kormeeray goobaha ay ka dhici doonaan fantasiyada maalmaha Xorriyadda ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo.

 

Guddiga ayaa sidoo kale tagay fagaarayaasha damaashaadka ee Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda halkaas oo ay dadku kula dabbaal dagayaan hobollada Qaranka.

 

Mas’uuliyiinta kala duwan ee guddiga ayaa waqti la qaatay shacabka Soomaaliyeed iyaga oo kala sheekeystay ahmiyadda maalmahan, wadaniyada iyo arrimo kale.