Muqdisho 13 Jun 2024; Kulan farsamo oo looga hadlayey Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG ayaa saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal iyo Dib-u-heshiisiinta DFS oo uu horkacayey Agaasimaha Guud la yeesheen hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Mashruuca. Inta uu kulanku socday, Wasaaradda iyo Hay’adahaan hawshan mudada soo waday ayaa hadda isku afgartay in mashruuca uu sida ugu dhakhsaha badan u bilowdo.