Muqdisho 12 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan gaar ah la yeeshay waaxda Dib u heshiisiinta ee Wasaaradda. Kulankan uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa looga hadlay xaaladda dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday meelo badan oo dalka ah, gaar ahaan Galmudug.