Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda

 

Muqdisho 09 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juun iyo 1-da Luulyo Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo Ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan.

 

Ugu Dambayn, Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka tirsan Guddiga, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.