Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Billaha Ah Ee Wasaaradda

 

Muqdisho 08 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka Xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow iyo mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa guddoomiyey Kulanka billaha ah ee Wasaaradda.

 

Kulanka oo sidoo kale uu joogay Agaaaimaha Guud ee Wasaaradaha ayaa waaxyaha shaqada iyo shaqaalaha, qorsheynta, arkiifiyada, Federaalka, dowlaha hoose iyo Machadka qaran waxay soo bandhigeen waxqabadkooda.

 

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa bogaadiyay shaqada la qabtay isaga oo dhiirigeliyay fududeynta shaqada.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa faray waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda in la dardargeliyo howlaha socda gaar ahaan ballanqaadyada Wasaaradda, lana xoojiyo wadashaqeynta iyo hufnaanta shaqo.