Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Xuskaa Maalinta Dastuurka Denmark

 

Muqdisho 05 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeyb galay xuska maalinta Dastuurka Denmark, oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, wakiillada Qaramada Midoobay iyo ergada diblomaasiyadeed ee beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

 

Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka hadlay munaasabadda ayaa maalintaasi uga hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Denmark isaga oo bogaadiyey Xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada badan.