Muqdisho 05 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa kulan farsammo oo gaar ah la galay khubarada sharci ee Wasaaradda taasi oo lagu falanqeeyey shuruucda la xiriirta doorashooyinka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa wada dedaallada ku aaddan arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.