Muqdisho 02 Jun 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa martigelisay Kulanka Farsamo ee Xasilinta.
Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee ka shaqeeya Arrimaha Xasilinta ayaa waxaa Guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macallim Xasan.
Agaaismaha, Ergayga Gaarka ah ee Madaxwaynaha ee Arrimaha Xasilinta iyo Badqabka Raydka ah Xildhibaan Cumar Xaashi,
La-taliyaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Prof Cabdullaahi Shiikh Cali (Qalloocow) iyo Isu Duwa Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ramadaan Cilmi oo ka hadlay ayaa ku dheeraaday howlaha Xasillinta ee socda iyo waxyaabaha ay ka faa’ideen bulshooyinka laga xoreeyay Khawaarijta.