Muqdisho 30 May 2024; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa shir guddoomiyey kulanka billaha ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta. Kulanka uu marti ku ahaa mudane Xildhibaan Cumar Xaashi Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasime waaxeedyada iyo hoggaanka waaxyaha warbaahinta iyo xiriirka ee Waaaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda Federaalka ah ee ka shaqeeya howlaha Xasillinta.
Ugu Dambayn, Kulanka inta uu socday waxaa laga soo bandhigay xogo iyo warbixinno kala duwan sida; hababka iyo heerarka tabinta howlaha Xasillinta, bandhigidda isbadallada deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta, adkeynta kaalinta guddiga ee sharciyadsiinta dowladnimada taasi oo wax weyn ka tareysa gudbinta farriimaha dowladda ee dhabta ah ee dhanka Xasillinta iyo xoojinta Wadaniyadda iyo Qaran jacaylka.