Wasiir Cali Xoosh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Maayarro Soo Dhamaystay Tababar

 

Muqdisho 30 May 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan ka dhacay xafiiskiisa warbixin uga dhageystay qaar ka mid ah Maayarrada Dalka oo soo dhamaystay Aqoon Isweedaarsi ay u tageen dalka Japan.

 

Dhankooda, Maayarrada oo ka hadlay kulanka ayaa ugu mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS fursadda ay siisay, iyagoo Wasiirka u sharraxay Khibaradda ay kasoo qaateen dalka Japan.

 

Ugu Dambayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Xildhibaan Cali Xoosh ayaa sharaxay in dowladaha hoose ay gundhig u yihiin dowladnimada, isaga oo kula dardaarmay Maayarrada in ay dabaqaan khibaradda ay ka heleen Aqoon Isweedaarsiga.